Ciidamada Xooga Dalka Soomaliya Oo Dhaq dhaqaaqyo ka Wado Deegaano ka Tirsan Gobalka Bakool.

0
58

Wararka ka imaanaya degmada Ceel-barde ee Gobalka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi ay ciidamada militariga Soomaaliya ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo la doonayo in deegaanada hoos yimaada Gobalka bakool looga saaro Al-shabaab.

Dhaq dhaqaaqyadan ayaa yimid kadib markii maalmo ka hor halkaasi ay saanad militari  ay geeyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya, islaamarkaana ciidamada militariga ku booriyay in ay isku furaan wadooyinka ay Go’doomiyeen Al- shabaab,  si loogu gargaaro dadka shacabka ah ee degan halkaasi.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer ee hore waxaa ay weeraro ka geysteen Gobalka Bakool halkaasi oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidanka  militariga soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here