Hay’ad Caalami Ah Oo ku Baaqday In La Baaro Dadkii AMISOM Ku Dileen Muqdisho

0
63

Hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International oo ku baaqday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dad rayid ah oo dhawaan ciidamada AMISOM ay ku dileen gudaha magaalada Muqdisho.

Ddaka AMISOM ay dishay ayaa gaarayay ilaa 4 Ruux,waxana xilliga la dilayay dadka Shacabka ah kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi qarax Miino lagula eegtay Isgoyska Ex-Koontorool Balcad ee Magalada Muqdisho

Hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in kiiskaas dilka ah uu yahay mid ka baxsan xaquuqda Aadanaha,isla markaana u baahan sida ay ku dhacday  in baaritaan lagu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here