Munaasabad lagu Soo dhowey Safiirka cusub ee Soomaaliya Oo lagu qabtay Khartuum.

0
71

Munaasabad lagu soo dhoweynayay Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Amb, Cabdirisaaq Axmed Shoole ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan.

Munaasabaddan oo si qurux badan loo soo agaasimay Islamarkaana ay soo qabanqaabiyeen Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ayaa waxaa ka qayb galay Jaaliyadda, Ganacsato, Culumaa’u Diin, Salaaddiin, Madaxda Ururada iyo waliba Diplomaasiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Ugu horeyn Munaasabada lagu soo dhaweynayay Safiir, Cabdirisaaq Shoole ayaa waxaa hadallo ka jeediyay qaar ka mid ah masuuliyiintii ka soo qeyb gashay munaasabada iyagoo si wadajir ah u soo dhoweeyay Safiirka, waxayna ka rajeeyen inuu la yimmaaddo is-beddal wanaagsan.

Intii ay socotay Munaasabadda ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay Suugaan kala duwan oo ka hadlaysa horumarka Dalkeenna Hooyo, laguna dhiirri gelinayay Shacabka Soomaaliyeed sidii ay wax u qabsan lahaayeen.

Danjire, Cabdirisaaq Axmed Shoole , ayaa gaba-gabadii goobta ka jeediyay khudbad dhinicaya badan taabaneysa, wuxuuna Soomaalida ku dhaqan Dalka Suudaan guud ahaan ka codsaday inay dhamaantood ilaaliyaan sharafta Calanka iyo Magaca Umadda Soomaaliyeed.

Safiir,Cabdirisaaq Axmed Shoole, oo ah aqoon yahay wax ku bartay Dalka Suudaan, ayaa ah shaqsi si weyn kaga war qabi kara xaaladda Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here