Nin asalkiisu yahay Soomaali oo mindi ku weeraray dad magaalada Melbourne dalka Australia

0
75

Nin asalkiisu yahay Soomaali ayaa ku weeraray mindi dad ku sugnaa bartamaha magaalada Melbourne ee dalka Australia kahor inta aysan askar toogasho ku dilin.

Saddex ruux ayaa ku dhaawacantay weerarkan iyadoo mid kamid ahna dhaawiciisu uu yahay halis.

Booliska magaalada Melbourne ayaan shaacin magaca qofka weerarka ka dambeeyay balse waxa ay sheegeen inuu yahay qof la yaqaan da’adiisuna tahay 31 sano jir.

Weerarkan ayaa dhacay kadib markii ninkan weerarka geystey uu gaari uu watay ku dhuftay gidaar kadibna uu dab qabsaday,Boolis gurmad halkaa ku tegey iyo dad rayid ah ayaa la sheegay inuu ku weeraray mindida.

Ururka IS ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkan uuna fuliyay mid ka mid ah askartooda.

Dowlada Australia ayaa wada baaritaan iyadoo laga sugayo inay faahfaahin ka bixiyaan weerarkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here