Qaar ka mid ah aruurtii dalka Cameroon lagu afduubtay oo waalidkood la midoobay

0
52

Dalka Cameroon, qaar ka mid ah 78 carruur ah oo horey loo qafaashay ayaa haatan dib ula midoobay qoysaskooda.

Ardaydaasi ayaa la siidaayay talaadadii la soo dhaafay laba maalmood kaddib markii la qafaashay.

Waxaa jiray jahawareer ku aadan cidda qafaalatay kaddib markii fallaagada reer Cameroon iyo dolwadda dalkaasi uu midba midka kale ku eedeeyay arrintaasi.

Magaalada Bamenda ayaa waxaa ka jiray dareen qiiro leh oo waalidiintu ay si diiran ugu soo dhaweynayeen caruurtooda, waxaana haatan halkaasi kusoo idlaaday argagixii ay la kulmeen waalidiinta caruurtaasi.

Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa wali sugaya caruurtooda, iyada oo saraakiisha dowladda Cameroon ay sheegeen in caruuta oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay u baahan yihiin daryeel caafimaad ka hor inta aysan ku laabanin guryahooda.

Wararka ka imaanaya Cameeroon ayaa sidoo kale sheegaya in labo arday iyo labo qof oo xubno ka ahaa shaqaalaha iskuulka ay wali ku jiraan gacanta afduubayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here