Shabaab oo War kasoo saartay Qaraxyadii iyo weerarkii tooska ahaa ee Muqdisho ka dhacay

0
108

War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano katirsan kooxdooda qaraxyo xoogan oo ismiidaamin ah iyo weerar toos ah ku qaadeen Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qarax koobaad lagu dhuftay Albaabka Hotelka Saxafi , waxa ayna Shabaab sheegeen in qarax labaad lala eegtay dad gudaha Hotelka ku jiray balse u cararay dhinaca dambe ee Hotelka.

Warka kasoo baxay Al Shababa ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxyada kadib dagaalyahano hubeesan ay gudaha u galeen Dhismaha Hoelka Saxafi ayna ka dhax dagaalamaaan.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxyada iyo weerarka toos ah ku bartilmaameedsadeen Hotelka Saxafi oo ay sheegeen in ay dagan yihiin Xildhibaano katirsan dowlada Federaalka iyo masuuliyiin kale.

Qaraxyada galabta lagu weeraray Hotelka Saxafi iyo Hotel kale oo ku dhaw ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walina si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaalia ayaa gabi ahaan xiray aaga qaraxyadu ka dhaceem, waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa meel ku dhaw Hotelka Saxafi, lamana oga in dableyda hubeesan ay wali dagaalamayana iyo in lasoo afjaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here