ciidamada Dowlada Gobaleedka Jubbaland oo holwgallo ka wadaan tuulooyin hoostaga degmada Afmadow

0
158

Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa weli waxa ay holwgallo ka wadaan tuulooyin hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxa ay sheegeen in uu qeyb ka yahay mid la doonayo in deegaanada Jubbaland looga saaro dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa Gobolka Jubbada Hoose dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya,iyaga oo donaya n ay Al-Shabaab ka saaraan deegaanada Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,isaga oo kormeeray xerooyin lagu diyaariyay Ciidamada Maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here