{DAAWO SAWIRADA} Ciidamo La Kala Dhex-Dhigay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Kaxandhaale.

0
160

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta halkaas ay gaareen Ciidamo isugu jira Boolis iyo Millateri si ay u kala dhex galaan Maleeshiyo beeleed halkaasi ku dagaalamay.

Saraakiisha halkaas gaartay waxaa ka mid ah taliyaha ciidmada Nabadsugida Galmudug Cabdi Dheere iyo masuuliyiin kale .

Xaalada deegaanka Kaxandhaale iyo deegaanada kale ee lagu dagaalamay ayaa ah mid degan markii loo eego dagaalkii cuslaa ee shalay deegaanadaas ka dhacay,kaas oo dhexmaray labada maleesheyo beeleed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here