{DAAWO SAWIRADA }Madaxweyanaha Cusub Ee Koofur Galbeed Oo La Kulmay Wax Garadka Xudur

0
191

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxa uu kulamo gooni gooni ah kula yeeshay duubabka dhaqanka, cullima udiinka, ururada bulshada, haweenka iyo ganacsatada ee ku dhaqan degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Madaxweyanaha ka dhageystay waxa ay ka tabanayaan bulshadii uu la kulmay, waxay intooda badan ay codsadeen dib u xoreynta degmada tiyeegloow oo gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Al-shabaab, isku furka waddooyinka isku xiriiriyo Gobolka Bakool iyo guud ahaa Gobolada maamulka Koonfur Galbeed dhamaana laga sifeeyo Al-shabaab.

Madaxweyanah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa  Bulshada Iyo odayasha iyo maamulka si cad ugu sheegey in Dhabaatooyinka ay ka tabaneyaan wax laga qaban doono.

“Waxaan ugu mahadcelinayaa dhamaan bulshada reer Bakool soo dhoweyntii ay noo sameeyeen aniga iyo wafdigeyga, waxaana ballanqaadayaa in aan Al-shabaab ka sifeeyn doono deegaanada maamulka, isla markaana wax weyn ka qaban doono kaabayaasha dhaqaalaha oo burbursan,ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafta- Gareen ayaa shalay safarkii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay waxa uu ku tegay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay,isagoona xalay ku hoyday degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here