{DAAWO SAWIRADA} Munaasabadda Xuska Maalinta Ciidanka Booliiska Oo Lagu Qabtay Magaalada Baladweyne

0
331

Munaasabad aad u balaaran oo lagu xusayay sanadguurada 75-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay dugsiga sare ee Boolisska Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

 

Munaasabaddaasi waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan  xildhibaano wasiiro ka socday Maamulka Hirshabelle Taliyayaasha Ciidanka Amisom iyo kuwa soomaaliya  iyo xubno ka socday qeybaha kala dun ee Bulsada ku nool magaalada Baladweyne.

 

Ciidanka Booliiska Baladweyne  ayaa munaasabadda ku soo bandhigay dhoolatis ciidan sida Gaadda ka ciyaar, Gaadiidka ay ku howlgalaan iyo qalab casri ah oo ay u adeegsadaan shaqadooda, sidoo kale qaabka looga hortago qaraxyada.

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka hiiraan maxamed Cabdulaahi buraale Raaxeeye ayaa hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliya waxana uu u rajeyay sanadkan sanadkiisa kale guul iyo barwaaqo in ay ku garaan,Faraan cumar Carte Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka hiiraan ayaa dhankeeda u dirtay Hambalyo iyo bogaadin Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya waxana ay si gaar ah u la dardaarantay in ay ciidamada Booliska ay ilaaliyaan xaquuqada Haweenka iyo caruurta.Col:Isaaq cali cabdi taliyaha qeybta booliska Gobolka hiiraan ayaa ku dheeraaday taariikhda ciidamada booliska Soomaaliya iyo mar xaladihii kala duwanaa ee ay so mareen  waxana uu hambalyo iyo dardaaran iskugu daray ciidamada Booliska Baladweyne,Gen:Muqtaar xusen afrax oo munaasabada ka qeyb galay ayaa Hambalyo u diray Dhamaan ciidamada Booliska soomaaliya waxana u si gaar ah balanqaad ugu sameyay ciidamada Booliska Baladweyne.  Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar dabageed oo soo xiray munaasabada 20 Decenber ayaa Ka hadlay waxqabadka ciidamada booliska iyo doorka ay ku leeyihiin nabada iyo is dhaxgalka bulshada  waxana uu hambalyo u diray dhamaan ciidamada Booliska Soomaaliya iyo xaasaskooda.Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, iaydoo ciidanka booliiska Soomaaliyeed ay maanta u tahay maalin farxadeed.

Cabdi Axmed Xuseen 

Radio Hiranweyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here