Aqoon isweydaarsigaan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Hormarinta Haweenka ee talo Wadaag oo gacan ka helaya Wasaarada Dastuurka Soomaaliya, waxa ka qeyb galay Agaasimaha wacyigilinta Wasaarada Dastuurka, Haweenka Gobolka banaadir, madaxda Ururka tala wadaag iyo marti sharaf kale.
Madaxa ururka Talo Wadaag Aamina Cabdulhi Cismaan ayaa ka hadashay ujeedada kulanka iyo muhiimada uu u leeyahay ka qeyb galayaasha ka kala yimid 17 dagmo ee Gobolka Banaadir,
Agaasimaha Wacyigilinta Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Cabdi Qani Cali Aadan ayaa daah furay aqoon isweydaarsigan oo uu so qaban qaabibay Ururka Haweenka ee Tala-wadaag sida ay Haweenka ku nool 17 Dagmo ee Gobolka Banaadir ay uga qeyb qaadan karaan dib u eegista Dastuurka Dalka.
Dhinaca kale qaar kamid ah Haweenkkii ka qeyb galay kulanka aqoon isweydaarsiga kuwaas oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa talooyin muhiim ah ku biiriyay dib u eegista dastuurka Dalka.
Kulankaan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kulamo iyo aqoon isweydaarsiyo ay horay ugu qabteen Ururka Horumarinta Haweenka ee Talawadaag Maamulada Dalka ka jira sida Hirshabelle iyo Koofur galbeed soomaaliya Dumarkooda.
Cabduqaadir Maxamuud Carab
Radio Hiranweyn Muqdisho