Dhawac Loo geysatay Mid kamid ah Wasiirada Dalka Eritrea,

0
180

General Sibhat Efrem Wasiirka Macdinta iyo Tamarta ayaa la sheegay inuu dhaawacay shaqsi aan haybtiisa la garan sidda ay xaqiijiyeen ilo ku sugan dalka Eritrea.

Wasiirka waxaa soo gaaray  dhaawac culus, waxaana loola cararay Caafimaad dalka dibadiisa ah sidda ay sheegtay warbaahinta dalka Eritrea.

General Sibhaat wuxuu muddo 19 sano ah uu soo ahaa wasiirka gaashaandhigga Eretria, sanadihii ugu horreeyey ee ay Eritrea xornimada ka qaadatay Itoobiyana wuxuu soo ahaa duqa magaalada Asmara ahna wasiirka Caafimaadka.

Dowladda Eritrea inkasta oo ay si rasmi ah uga hadlin dhawaca wasiir Efrem loo geystay haddana Danjiraha Eritrea u fadhiya Japan Danjire Istifaanoos Afawarqii oo cambaareeyey dhaawaca loo geystay wasiirka ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray inuu u rajeeynayo caafimaad degdeg dhaawacana uu degdeg uga bogsado.

General Sibhaat oo ka mid ah mas’uuliyiinta ugu awoodda badan xisbiga haya talda dalka Eritrea ee EPLF wuxuu sida oo kale xubin uu ka yahay xafiiska siyaasadda dalkaasi laga hoggaamiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here