Dhulgariri Mar kale laga cabsi qabo inuu ku dhufto Dalka Indonesia

0
186

Dadka ku nool degaannada ku dhaw meesha uu ku qarxay Fulkaanaha Anak Karakatau ayaa looga digay iney xeebaha ka fogaadaan maadaamaa Folkaanahaasi ay ka dhalan karto dhulgariir horleh.

Maalinti Sabtida Dhugariir ku dhuftay jasiiradaha Sumatra iyo Java ee dalka Induniisiya waxa ku dhintay ugu yaraan 281 qof iyada oo ay ku dhaawacmeen dad ka badan 1016 qof.

Qaraxa Folkaanaha jasiiradahaasi ku qarxay ayaa loo sababeeyey dhul go’ badda hoosteeda ka dhacay taasina ay keentay iney mowjado waaweyn badda ka soo kacaan.

Markale ayuu Folkaana Karartau ka qarxay halkaasi iyada oo la arkayo qaac iyo dambaska Foolkaanaha oo cirka isku shareeray.

Muuqaal diyaarad looga soo duubay qaraxa Folkaanaha ayaa muujinaya inuu Folkaanaha dambe uu ka qarxay Sunda Strait oo u dhaxeysa jasiiradaha Sumatra iyo Java.

Bishii September Dhulgariri iyo foolkaana hal mar ku wada dhufatay magaala xeebeedka Palu oo ku taallo badda India waxaa ku dhimatay 2,000 oo qof.

Bisha December 2004-tii duufaanti Suunaami ee ka dhalatay dhulgariir waxaa ku dhimatay 228,000 oo qof oo 14 dal kala duwan u dhalatay balse intooda badan ay u dhasheen dalka Induniisiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here