Home Wararka Dowlada Burundi oo diidday in ay ciidankeeda ka saarto Soomaaliya

Dowlada Burundi oo diidday in ay ciidankeeda ka saarto Soomaaliya

0
139

Go’aanka Kun ka mid ah Askarta Burundi looga saarayo Soomaaliya waxaa soo jeediyay Midowga Afrika.

Laakiin Afhayeen u hadlay Milatariga Dalka Burundi oo lagu magacaabo Floribert Biyereke, ayaa sheegay in Burundi aysan 1,000 ka mid ah Askarteeda ka saareyn Soomaaliya.

Floribert Biyereke, ayaa ku dooday in marka Ciidan uu ka baxayo Soomaaliya ay tahay in dalkasta oo ka mid ah howlgalka uu qeyb la boxo, laakiin Burundi kaligeed in ay hal mar Kun askari ka saarto Soomaaliya aysan soconeyn.

Burundi waa dalka 2aad ee Ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya,waxaana ka jooga 5,400 oo Askari.

Midowga Afrika sarkaal ka tirsan oo diiday in magaciisa la sheego ayaa yiri “Ciidanka Burundi waa kuwa mushaar aad u yar ku qaata dalkooda, AMISOM ayaa u mushaar badan, sidoo kale aad uma qalabeysna, ciidanka Burundi”.

Dhaqaale ahaan Burundi waxaa ay lacag fiican ka soo gashaa Howlgalka AMISOM oo afartii biloodba lagu bixiyo lacag dhan $18 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here