Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday Sh/hoose

0
175

Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa lagu shaaciyay in duqeyn ka dhacday degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose lagu dilay Al-Shabaab xubno ka tirsan.

Maraykanka ayaa shaaciyay in 19-ka bishan laba duqeyn oo dhinaca cirka ah uu  ka fuliyay degaanka Beladul Amiin ee gobolka Sh/hoose,halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab,

Duqeymahaas ayuu Maraykanku ku sheegay inuu ku dilay 11 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, iyagoo xusay ineysan jirin khasaare shacabka ka soo gaaray weeraradaas.

Maraykanka ayaa sanadkan xoojiyey duqeymaha uu la beegsanayo goobaba ay joogaan Al-shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here