FAAH FAAHIN Dil Ka dhacay Magaalada Boosaaso

0
123

Warraka ka imaanaayo Magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa tibaaxaya in mid kamid ah ciidamada maamulkaasi ay caawa kooxo hubeysan ay ku dileyn bartamaha magaaladaasi.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, Dableyda ayaa risaas ku furay askariga, taasi oo sababtay dhimashada askariga, waxaana goobta laga qaaday askariga geeriyooday meydkiisa.

Dableyda dilka geysatay ayaa durbadiiba isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen.

Ciidamada ammaanka oo goobta uu dilka ka dhacay gaaray ayaa waxa ay bilaabeyn howlgal lagu baadi goobayo kooxda dilka geysatay, mana jirto cid lagu soo qabtay howgalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here