Kulan uga socdo Magaalada Tog-Wajaal Muuse Biixi iyo Cagjar

0
168

Magaalada  Togwajaale ee ku taala Xuduudka Somaliland iyo Dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa hadda kulan uga socdaa  Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Maxamed Cumar iyo Madaxweynaha Somaliland.

Wafdiggaan Togwajaale qaybta Somaliland waxaa ku soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu wehlinaayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.

Kulanka ayaa ka socda qeybta ay maamusho Somaliland ee degmada Tog-Wajaale, waxaana looga hadlaya sidii loo hagaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo dowlad degaanka.

Madaxweynaha Dowlad degaanka ayaa dhawaan ku eedeeyay Somaliland in ay martigalisay xubno halis ku ah Ammaanka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Waa kulankii ugu horreeyay ee ay yeeshaan Madaxda labada dhinac, waxaana xusid mudan in Madaxweyne Muuse uusan wali la kulmin Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here