Home Wararka Maamulka Puntland oo Shaki ka muujisay doorashaddii Laftagareen

Maamulka Puntland oo Shaki ka muujisay doorashaddii Laftagareen

0
151

Puntland waxa ay sheegtay in  dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara-gelin qaawan ku samaysay doorashada Koonfur Galbeed,islamarkaana la baal-maray rabitaanka shacabka iyo shuruucda dalka.

Doorashadii lagu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayay ku tilmaameen Golaha Wasiiradda Puntland mid sharci daro ah oo baalmarsan taageeradda iyo rabitaanka Shacabka.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,gaar ahaanna arrimaha doorashada,waxayna Goluhu sheegeen inay nasiib darro tahay faragelinta qaawan ee Dowladda Federaalku ku hayso arrimaha doorashada Koonfur Galbeed iyo maal marida rabitaanka shacabka iyo sharciga dalka” ayaa yiri war kasoo baxay Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here