Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Oo Goordhow Gaaray Magalada Tog-Wajaale

0
234

Wararka naga soo gaaraya Magalada Tog-wajaale oo ku taalla xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi gaaray Madaxweynaha Dowlad deegaanka.

Mustafe Muxumed Cagjar iyo Xubno la socda ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Maxamed Kahin Cabdi oo dhawaan tegay halkaas.

Labada dhinac ayaa waxaa dhawaan uu kulan ku dhexmrai doonaa Magalada Tog-wajaale qeybta ay maamusho Soomaaliland,sida ay horay u shaacisay Madaxtooyada Soomaaliland.

Kulankoda oo aan weli la shaacin waxyaabah ay uga hadlayaan,ayaa warar hordhac ah oo soo baxaya waxa ay sheegayaan inay uga hadli doonaan adkeynta dhinaca amniga maadaama xaduud ay wadaagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here