Madaxweynaha Jubbaland oo Guddoomiye u magacaabay gobol Ay Al shabaab Maamulaan,

0
210

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe u magacaabay Mudane Haajir Bile Sugaal.

Talaabadan ayaa ku soo aadaysa xili gobolka Jubada dhexe guud ahaantiis ay ka taliyaan xoogaga Al-shabaab waana gobolka kaliya Somalia oo dhan ee kooxdan ay si dhameystiran gacanta ugu heyso.

Arintan ayaa daba socoto dhaqdhaqaaqyo maalmahan ay gobolada jubbooyinka ka wadaan ciidamada Maamulka Jubbaland kuwaasoo la sheegay iney gogol xaar u yihiin guluf dagaal oo Al-shabaab looga saarayo Jubooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here