Mas’uuliyiin Booqday Dad Ku Dhaawacmay Dagaalka Kaxandhaale

0
141

Mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Maaliyadda ee Dowlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxa ay booqdeen Isbitalka Magalada Cadaado oo ay ku jiraan dad ku dhaawacmay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee G/Galgaduud.

Mas’uuliyiintaan ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dadkaasi ay ka jiifaan Isbitaalka si loola socdo xaaladooda Caafimaad.

Wasiirka Maaliyadda ee Dowlad goboleedka Galmudug Siciid Siyaad Shirwac ayaa sheegay in cid walba laga doonayo inay garab taagnaato dowladooda,waxaana uu Shacbaka ka dalbaday inay la Shaqeeyaan dowladda.

Waxa uu sheegay in beelaah ku dagaalamaya deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud ay dhamaantood yihiin Reer Galmudug aadna uga xun yahay,waxaana uu ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamaya inay dagaalka joojiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here