Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Kanada

0
135

mid ka mid ah somaalida kunool kanada oo lagu magacaabi jiray Cimraan Faraax oo 20-jir ah waxa uu maalintii Khamiista ee la soo dhaafay u geeriyooday dhaawacyo bishan 21-dii ka soo gaartay Toogasho ka dhacday magaalladda Toronto ee dalkaasi.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska Toronto ayaa lagu sheegay in Marxuumkaasi uu u geeriyodoay dhaawaca, iyadoo 2 kale oo da’doodu kala ahayd 19-jir iyo 50-jir si xun loogu dhawaacay Toogashadaasi, kuwaasi oo haatan lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla Toronto.

Boliska waxa hadal ah kama soo saarin Dembiilaha geystay Toogashadaasi, mana kala cadda in la qabtay iyo inuu baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliga ee lagu dilay Toronto waxay ka dhigaysaa qofkii 96-aad ee sannadkan lagu dilo Toronto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here