Sababta Ka danbeyso is casilaada Gudoomiyihii rugta ganacsiga Somaliland

0
130

Gudoomiyihii Rugta Gancasiga Somaliland Maxamed Shugri Jaamac, ayaa maanta shaaciyey inuu is casilay,isla markaana xilkii gudoomiyenimana ku wareejiyey ku xigeenkiisa.

Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Somaliland ayaan faahfaahin sababta keentay is cisiladaasi balse wuxuu ku gaabsaday in hawlo isaga u gaar ah darteed isku casilay.

“Waxaan go’aansaday in xilkii gudoomiyenimo ee rugta ganacsiga aan u hayey sababo aniga ii gaar ah dartood aan iska casilo, guddida maamulka markii aan u bandhigay way iga aqballeen wayna ku mahadsan yihiin”ayuu yidhi Maxamed Shugri gudoomiyihii rugta Ganacsiga Somaliland.

Maxamed Shugri ayaa muddo ku siman sideeed sanno xilkaasi hayey, ka hor-na ahaa gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here