WAR DEG DEG AH Gudoomiye Waaxeed ka tirsan oo goor dhow la dilay Muqdisho,

0
268

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow oo caawa fiidnimadii ah dil u geystay guddoomiyihii Waaxda Horseed oo ka tirsan degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir kaasoo lagu magacaabi jiray Xaaji Iikar.

Dilka masuulkan ayaa ka dhacay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla agagaarka Masjidka Shiikh Rumaan ee degmada Xamar-weyne sida ay sheegayaan Dadka ka agdhaw goobta oo dilka ka dhacay.

Dableyda ayaa sidoo kale isla goobtaas ku dilay nin ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Xawaalada Dahabshiil laanta Xamar-weyne kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Muxyadiin  kaasoo marayey goobtaas markii dilku uu dhacayey sida goob joogayaal ay ku warameen.

Xaalada degmada Xamar-weyne ayaa kacsan waxaana lagu soo daadiyey ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo baadi goobaya kooxaha dilka geystay oo baxsaday.

Waa Gudoomiye Waaxeedkii labaad ee lagu dilo degmada Xamar-weyne, dhowr bilood ka hor ayeyna aheyd markii isla degmadaas lagu dilay xili habeen ah gudoomiyihii waaxda Kacaan oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Xasan (Fagaase), Al-shabaab ayaana sheegatay masuuliyada dilkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here