WAR DEG DEG Ah:.Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Magalada Muqdisho

0
241

Qaraxaan ayaa jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir,waxana uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa Radio Hiiraanweyn waxa ay u sheegeen in qaraxa uu ahaa mid Gaari lagu xiray,isla markaana uu ka dhacay Xaafada 1-da Maaj ee degmada Waaberi.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ku dhaawacmay Nin la sheegay in uu ka mid yahay Agaasimo qeybeedyada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kaas oo  Magaciisa lagu soo koobay Cismaan Dheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here