WAR DEG DEG Ah:.Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Oo Is Casilay

0
135

Wasiirka Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Maamulka Puntland C/llaahi Cali Xirsi Timo-cadde oo saakay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilikii Wasiirnimo.

Sababta uu isku Casilay Wasiirkii  Arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Puntland ayaa waxa uu ku sheegay inay tahay sababo u gaar ah isaga.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Warqad is casilaada uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo sanadkii 2017-kii u magacaabay xilka Wasiirnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here