{AKHRISO} Magacyada ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in lagu laayey Sh/hoose

0
127

Sida ay faafisay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ciidamada Kumaandoska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka Fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose.

Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Baladul Amiin iyo Hanti-wadaag oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Janaale ee G/Shabellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Kumaandoska Soomaaliya ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay Saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen degaanada Beladul Amiin iyo Hantiwadaag.

Ku dhawaad 85 ka tirsan ciidamo iyo saraakiil isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladan u dambeeyey sida ay faafisay SONNA.

Saraakiisha Kumaandoska Somalia waxay sheegeen Magacyada saraakiisha lagu dilay weerarka iyo Dalalka ay u dhasheen waxaana ka mid ahaa Abuu Xamsa Bin Shaam oo ka soo jeeda dalka Masar kaasoo la sheegay inuu al-shabaab u qaabilsanaa Tababarada Maleeshiyada, Aweys Abu Xamza Al-Mifsali oo  heesta dhalashada dalka Tanzania, Abuu Bilaal Zubeyr oo heesta Dhalashada Mongoliya  kaasoo la sheegay inuu horey u ahaa ku-xigeenka Ibraahim Afghan, Aadan Xaash Auu Musiyaan oo isna soo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin-hayaan oo ka soo jeeda dalka Yeman.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya warkan laga so xigtay saraakiisha Danab, Al-shabaabna kama hadlin, loogamana baran iney ka hadlaan arrimaha noocan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here