{DAAWO SAWIRADA } Al Shabaab oo soo bandhigay Askar isku oo dhiibtay

0
187

Al-Shabaab ayaa waxa ay bandhigeen shan askari oo ku libsinaa Dareeska Ciidamada dowladda gaar ahan kuwa Milateriga waxa ayna sheegeen in ay kasoo goosteyn Ciidamada dowladda.

Waxa ay kusoo bandhigeen askartaani Magaalada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud, waxa ayna warbaahinta afkooda ku hadashaa ku sheegeen, in qoryaha ay ragaan ay wateyn ay u lacageeyeen.

Waxa ay sheegeen Al Shabaab askartaasi inay ka soo baxsadeen dhanka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayna u gudbeen dhanka Degmada Ceelbuur halkaasi oo masuuliyiin Shabaab ka tirsan ay ku soo dhaweeyeen.

Sidaan oo kale Ahabaab ayaa dhowr mar soo bandhigay askaray sheegayaan in ay kasoo goosteyn dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here