{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha cusub ee Puntland oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegaya

0
174

Waxaa maanta lagu wadaa in Aqalka Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe in ay ka dhacdo munaasabad uu xilka kula wareegayo madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Siciid Cabdulaahi Deni.

Diyaargarowga munaasabadda xilka wareejinta ayaa haatan ka socota magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland,iyadoona la filayo in munsaabada ay ka qeyb galaan madax kala duwan iyo masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi u wareejinaya xilka madaxweynaha Puntland kaas oo uu muddo shan sano soo hayay iyadoona madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay iyo madaxweynihii hore ay khudbad kooban ka jeedin doonaan xafladda xil wareejinta.

8 bishan Janaury ayay ahayd markii doorasho ka dhacday magaalada Garoowe uu ku guuleystay Dr Siciid Cabdulaahi Deni kaas oo noqday madaxweynaha 5-t sano ee soo socota hogaamin doona Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here