{DHAGEYSO} Hanti Dhowrka Oo Lagu Eedeeyay In Dhalinyaro Ehelkiisa Ah Ka Shaqaaleeysiiyay Xafiiska

0
122

Kuxigeenka Guud 1aad ee Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Cali Abuukar oo Wareysi siiyay Warbaahinta Dalsan ayaa waxa uu ku eedeeyay Hanti Dhowraha Qaranka Maxamed Maxamed Afgooye in Xafiiskiisa uu ka Shaqaaleysiiyay dhalinyarado ka mid ah Ehelkiisa.

Waxa uu sheegay in uu hawlgab ka dhigay inta badan Shaqaalaha Xafiiska hanti dhawrka,taas oo uu sheegay inay sababtay inay gadoodaan,isla markaana Shaqaalaha uu keenay aysan soo marin xeerka shaqaaleysiinta dowladda sida Guddiga shaqaalaha rayidka.

“Runtii Shaqaalo farabadan oo ehelkiisa ah ayuu keenay,baaris ayay sameeyaan,Shaqaalihii kale waa ay xanaaqeen,hanta dhowraha ayaa Xarunta dambi barista ee CID-da uga yeeray ,arrintaasina waan ku kala qeyb sanahay,waxaan warqad dacwad ah u gudbiyay Xafiisyada ,Madaxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacbaka ayuu yiri Kuxigeenka Guud 1aad ee Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Hadalkaan kasoo baxay Kuxigeenka Guud 1aad ee Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Cali Abuukar ayaa u muuqda khilaaf cusub oo soo kala dhex galay hoggaanka Hanti dhowrka Qaranka,iyada oo Maanta Baarlamaanka lahor-geynayo Xeerka wax ka badelka Sharciga Hanti dhawraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here