Golaha Shacabka oo Ansixiyay in Guddoonka Bangiga dhexe noqon karo Ajnabi

0
157

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay, 158 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17 ay diiday.

Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan lambarkiisa 130aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Xeerkaan ayaa waxaa ka dhashay buuq badan, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ay sheegeen in dalka la doonaayo in maamulkiisa loo dhiibo Ajnabi xilli ay jooggaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here