ONLF oo ka qeyb galeyso doorashooyinka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

0
194

Ururka la magac baxay Jabhada xoreynta Ogadenia ayaa si rasmi ah maanta ugu dhowaaqay in ay samaysanayaan xisbi siyaasadeed ka qeybgala doorashada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee ONLF Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi (Maadeey) ayaa sheegay in doorashooyinka dhici doona dhowaan ay ka qeybgali doonaan.

“Waxaan iskaashi la sameyn doonaan xisbiyo kale waxaana aan ka qeybgalaynaa doorashooyinka soo socda ee dhacaya.”ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha  Dibada ee ONLF.

Jabhada ONLF ayaa dagaal kula jirtay ciidamada Itoobiya muddo dheer hase yeeshee horaantii  sanadkan markii uu xukunka dalka Itoobiya la wareegtay Abiy Ahmed ayay  heshiis xabad joojin ah la gashay iyagoo oggolaaday inay dhigaan hubka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here