Wararkii ugu dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka socda duleedka Afmadow

0
146

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka socda duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose, iyadoo ciidamada Jubbaland ay ku wajahan yihiin deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Sida ay wararku sheegayaan ciidamo ka tirsan Jubbaland oo maalmihii la soo dhaafay lagu diyaarinayay Afmadow ayaa u dhaq dhaqaaqay dhanka deegaanada Shabaabka maamulaan ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamada Jubbaland oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa labo jiho kaga ambabaxay degmada Afmadow, waxaana qorshahooda koowaad yahay sidii deegaanada hoos-yimaada Afmadow ula wareegi lahaayeen, kaddibna uga gudbi doonaa Gobolka Jubadda Dhexe.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hor ka sheegay Afmadow in ciidankooda diyaar yihiin, isla markaana dhowaanl al wareegi doonaan deegaanada Jubadda Dhexe.

Ahmiyadda duulaanka Maamulka Jubbaland ayaa ah sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Bu’aale oo ah Caasimadda Maamulka, waxaana duulaankan uu yahay mid siyaasadeysan oo ku wajahan, maadaama Madaxweynaha Jubbaland ay ku soo fool leedahay doorasho bisha Agosto.

Gobolka Jubadda Dhexe ayaa ah gobolka kaliya ee si buuxda gacanta ugu hayaan Al-Shabaab, waana halka ugu badan ee dagaalamayaasha Shabaab iyo Saraakiishooda ku xooggan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here