Wararkii ugu dambeeyay Iyo Xaalka doorashadda Maamulka Puntland

0
216

Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland waxaa ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashadda guddoonka Baarlamaanka Puntland oo lagu waddo in ay Garowe ka dhacdo maalmaha soo socda.

Ammaanka Magaalada Garowe ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Magaalada ku sugan Musharaxiin badan oo u taagan xilka Madaxtinimada maamulka Puntland.

Maanta ayaa lagu waddaa in lagu dhawaaqo Guddiga doorashadda Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka sidda ay  xaqiijiyeen xubno ka mid ah Xildhibaanada maamulka Puntland.

Ku dhawaad 30 Musharax ayaa ku loolamaya xilka Madaxweynaha, waxaana ay sheegayaan in Madaxweyne Gaas uu Afduubtay hanaanka doorashadda iyo waliba Guddiga xalinta Khilaafaadka.

Madaxweyne Gaas ayaa wali bilaabin Olole Muuqda, waxaana labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu ku sugnaa degaano ku yaalla gobolka Mudug.