Xildhibaano Ka tirsan Barlamaanka Somalia Oo eedeeyay Madaxweyne Gaas

0
175

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in uu doonaayo in uu dhibaateeyo Shacabka Puntland.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Puntland ay ka mid tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana aysan aqbali doonin in loo diido  Madaxda dowladda in ay taggaan Magaalada Garowe oo dhawaan ay ka dhici doonto doorashadda Madaxweynaha Puntland.

Xildhibaan Cali Xoosh oo ka mid ah Xildhibaanada gaaray Magaalada Garowe ayaa sheegay in madaxweyne Gaas uusan u diidikarin Puntland in ay soo galaan Wasiiradda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa uu ku baaqay in Gaas uu ka laabto Go’aankii uu ku mamnuucay Shaqaallaha iyo Mas’uuliyiinta dowladda in ay soo galaan degaanada maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here