Xilliga uu si rasmi ah ula wareegayo xilka Madaxtinimada Puntland Madaxweyne Deni oo la shaaciyay

0
272

Wararka ka imanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni inuui si rasmi ah xilka ula wareego maalinta Isniinta ah ee ku beegan 14-ka bishan Jannaayo 2019.Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo madax ka ahaa shantii sano ee la soo dhaafay ayaa loogaga adkaaday doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Garowe isagoo ku haray wareegii 1aad helayna 8 cod oo kaliya.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Deni ayaa laga doonayaa inuu muddo 21 cisho ah ku soo dhiso golahiisa wasiirada.

Dhinaca kale Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa kulan la qaatay madaxda Wasaarada Maaliyada Puntland.

Kulankan ayaa loogaga hadlay arrimo la xiriira howlaha maaliyada iyo sida ay u dhaqangashay wareegtadii ugu horeysay ee uu soo saaro Madaxeyne Deni taasoo lagu xayiray dhammaan kharashaadka Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here