Baaritaanka Sanduuqa Madow ee diyaaradii ku burburtay Ethiopia oo ka bilowday Faransiiska

0
62

Khubaro Faransiis ah ayaa bilowday inay baaraan Sanduuqa Madow ee diyaaradii ku burburtay dalka Ethiopia toddobaadkan kadib markii la geeyay magaalada Paris.

Diyaarada Ethiopian Airline ee Boeing 737 ayaa burburtay waxyar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa iyadoo ay ku dhinteen 157 ruux ee saarnaa diyaaradaas.

Guud ahaan dalalka caalamka intooda badan ayaa go’aanaday in ay joojiyaan isticmaalka diyaarada nocoeedu yahay Boeing 737.

Dowlada Ethiopia ayaa hore uga codsatay dowlada Jarmalka inay baaritaan ku sameyso sanduuqa madow hase yeeshee dowlada Jarmalka ayaa diiday inay baarto sanduuqan Madow.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha Faransiiska Macron oo booqday dalka Ethiopia burburka diyaarada kadib ayaa ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu ka aqbalay in dalkiisa lagu baaro sanduuqa madow.

Waxaa la filayaa inay dhowr maalmood qaadato sidii lagu ogaan lahaa natiijada ka soo baxda waxyaabaha ku jira sanduuqa madow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here