Kooxda Macawisleyda oo ku dhawaqday dagaal ka dhan ah Al Shabaab

0
175

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in koox la magacbaxday Macawisley oo ah dadka deegaanka ay bilaabeen inay la dagaalamaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Sh/hoose.

Kooxdan ayaa la sheegay in ay badankood yihiin xoogsatadii ka shaqeysan jirey dhuxusha iyo xoolo dhaqato ayaa dagaalkii u horeeyay ee ay la galaan maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa ururka Al-Shabaab sida uu sheegay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in ay kooxdan macawisleyda la magax baxday ay doonayaan inay iska xoreeyaan Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay inay gumeysi ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kooxda Macawisleyda ayaa waxaa ay hore uga jireen deegaano ka tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan waxana ay la dagaalameen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Macawisleyda ayaan wax kaalmo ah ka helin dowlada federalka iyo maamul goboleedyada sidoo kale ma jiro wax xiriir ah oo ka dhaxeeya kooxdan Macawisleyda ah ee ka dagaalama qaar kamid ah gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here