Zimbabwe oo looga dhawaaqay xaalad musiibo qaran

0
89

an iyo markii ay ku dhufatay xeebta Mozambique khamiistii, duufaantaasi ayaa ku qasabtay kumannaan qof in ay guryahooda ka baxaan.

Dalka Zimbabwe, magaalada Chimanimani, oo ku taalla buuralleyda dhanka bari ee xuduudda ayay duufaantu si daran u saameysay.

Ciidammada ayaa loo diray in ay caawiyaan arday boqollaal gaareysa, kuwaasoo iskuulladooda ay waxyeello gaartay

Labo ka mid ah carruurta iskuullada ayaa dhintay, kaddib markii uu derbi ku soo dumay dhismihii ay degganaayeen.

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay dalka Zimbabwe, kolkii ay duufaantu ku dhufatay koonfurta bari ee dalkaas.

Wasaaradda isgaadhsiinta ee dalka ayaa sheegtay in la la’ yahay 40 qof

Duufaantan oo lagu magacaabo Idai, daadadna wadatay ayaa ka dhacday sidoo kale bariga Mozambique, habeennimadii khamiistii waxayna korontada iyo isgaadhsiinta ka jartay dhulalka ku xeeran Zimbabwe.

Duufaantu waxay daba socotaa, abaar ku dhufatay qaybo badan oo Zimbabwe ka tirsan, taas oo sababtay in dalagyadii la filayay aysan soo go`in, waxayna taas horseedday in Qaramada Midoobay ay codsi degdeg ah dirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here