Dibadbax ka dhan ah Donald Trump oo ka dhacay magaalada Tripoli

0
146

Dibadbaxayaal xoogan ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada caasimada ah ee Tripoli kuwaasi oo looga soo horjeedo war saxaafadeed ka soo baxay dowlada Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu u riyaaqay howlgalada uu wado Jeneraal Khaliifa Haftar si kooxaha argagixisada looga xoreeyo magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.

War saxaafadeed ka soo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in Trump iyo Haftar ay isniintii ka wadahadleen howlgalada ka dhanka ah argagixisada iyo sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa dalkan dhaca waqooyiga Afrika.

4-tii bishan April ayaa maleeshiyaadka ku sugan bariga oo uu hogaamiyo Khaliifa Haftar waxay bilaabeen weerar ka dhan ah dowlada caalamka uu aqoonsan yahay ee ku sugan Tripoli.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka danbeysa in aqalka cad ay ku qaadato maalmo xiriirka dhanka Telefanka oo Trump uu la sameeyay Genaraal Khaliifa Haftar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here