Laba gabdhood oo da’yar ah Oo lagu eedeyay dil sagaal qof Oo lagu xiray gobolka Florida Ee……

0
101

Laba gabdhood oo da’yar ah ayaa lagu soo xiray gobolka Florida ee waddanka Maryenkanka iyadoo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen dilka 9 qof sida ay ku warramayso warbaahitan Mareykanka.

Labada gabdhood oo lagu kala magacaabo Avon iyo Park ayaa dhigta Dugsi Dhexe.

Da’yartaan oo 14 sano jir ah ayaa la soo xiray maalintii Arbacada kaddib markii macalin uu helay warqad ay ku qoran tahay macluumaadka qorshahooda.

Qoraal sideed bog ah, oo lagu eedeeyay gabdhahan inay ku qorteen qorshahooda ay ku helayaan hub, ayna ku fogeynayaan haraaga meydadka.

Labada gabdhood ayaa haatan xabsi la dhigay, waxayna sugayaan dhageysiga dacwadooda.

Mid walba oo la tuhunsan yahay ayaa wajaheysa 9 eedeymo oo shirqool ah iyo saddex eedeymo oo afduub ah.

Macallinka ayaa lagu soo warramayaa inuu dareemay in gabdhaha ay u dhaqamayaan qaab uu walaac ku jiro markii ay raadinayeen warqadda, sidoo kalana uu maqlay midkood oo leh “Waxaan u sheegi doonaa in waxan ay ciyaar un tahay waa haddii ay ii yeeraan ama ay ogaadaan waxa warqadda ku qoran”.

Macallinka ayaa xilli dambe helay warqadda, taasi oo ay ku qorneyd waa “warbixin sir ah”, “ha furin,” iyo “qorshaha 11/9”.

Gudaha warqadda oo gacanta lagu qoray ayaa lagu xusay liiska magacyo ay ku jiraan qorshooyin qeexan oo la xiriira cida fulineysa dilka, sida ay baahisay warbaahinta NBC.

Waraaqaha ayaa lagu sheegay helitaanka qoryo iyo in la burburiyo cadeymaha iyadoo la gubayo lana aasayo haraaga meydadka.

Warqad kale ayaa sidoo kale lagu sheegay nooca dharka ay xiran doonaan gabdhahan xilliga ay fulinayaan howlgalka.

Waxaana ka mid ahaa “In ciddiyaha ay jartaan, tintana xiirtaan,”

“Muhiim ma ahan haddii ay u heystaan kaftan,” ayuu yiri Scott Dressel, oo ah afhayeenka gobolka Highlands, sida laga soo xigtay warbaahinta Fox47.

“Laguma kaftamo waxaan oo kale. Kuma kaftami kartid waxku saabsan dilka dadka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here