Suldaan ku tallaabsaday arrin aan looga baranin hoggaamiye dhaqameedyada

0
124

Madax-dhaqameedku waa lafdhabarta Soomaalida, muddo dheer ayeyna door fiican uga soo jireen talada deegaanada Soomaalida.

Marka ay timaaddo habka loo soo doorto madax-dhaqameedka, inta badan waa arrin la xariirta kartida, deeqsinimada, xallinta khilaafaadka iyo difaacida beesha uu matalo.

Sifooyinkan hadii aad leedahay ama aad ka hiddo raacayso qoyska aad ka soo jeedo waxaad helaysaa darajada Suldaan, ama hadba magaca xilkaas looga yaqaano deegaanka aad ku noosahay.

Way adag tahay in aqoonta maadiga ah lagu doorto oday-dhaqameedka Soomaalida, horayna arrintan loogama baranin dhaqanka Soomaalida.

Suldaan Axmed Maxamuud Cawad, wuxuu ka qalin-jabiyay jaamacadda Hargeysa, darajada Labaad, wuxuuna ka mid noqonayaa Salaadiinta naadirka ah ee heerka sare ka gaaray culuunta maadiga.

“Jaamacaddii u horraysay ee aan galay waxay ahayd Lafoole, waqtigii nabadda, ma dhameysan oo dagaalkii sokeeye ayaa iga hor isataagay, waxaan fursad labaad ka helay dalka Tanzania oo aan ku diyaariyay cilmiga horumarinta”, ayuu yidhi.

Suldaan Axmed waa Aabo 16 caruur ah haysta, wuxuuna dadaal dheer ku bixiyay sidii uu aqoontiisa maadiga ah kor ugu qaadi lahaa, si ay ugu fududaato shaqada Suldaanimada oo u baahan waqtigan casriga ah aqoon maadi ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Markii iigu horaysay ee aan ku so biiro fasalka jaamacadda Hargaysa,ardaydii ayaa igu xushmaysay in aan Falsalka ka noqdo horjooge maadama aanahay Suldaan dhaqankii ayay igu tixgaliyeen sidaas ayaan ku dhamastay waxbarashadii jaamacadda”.

Suldaan Axmed waxaa uu ugu baaqay salaadiinta kale ee Soomaaliyeed in ay ku soo biiraan barashada culuunta maadiga ah, oo qayb ka noqon karta xaaladda cusub dunida casriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here