Waxaa Mar labaad Baaqday Shir uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo.

0
133

Warar lagu kalsoonaankaro ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda ay diideen in ay ka qeyb galaan Shirkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay in uu Muqdisho ka dhaco maalinta berri ah oo ku beegan 19-ka.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda ayaa la sheegay in ay diideen in ay aqbalaan Casuumadda uu u diray qaarkood, waxaana ay ku xireen Shuruud.

Madaxda maamul goboleedyadda Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, waxaana muuqata in uu baaqday Shirkii lagu waday in uu dhaco Berri.

Ilo ku dhow Madaxda maamul goboleedyada ayaa Hiiraanweyn u sheegay in shirka ay iska diideen Madaxda Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa Shuruud ku xiray in uu ka qeyb galo Shirka, waxaana Galmudug ay sheegtay in aysan shirkaasi ka qeyb gali doonin, Maadaama horay aan loo fulin heshiisyaddii lagu gaaray Garowe bilowgii Sanadkaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka biya diiday in shirkaan Garowe laga soo wareejiyo oo Muqdisho lagu qabto Maadaama horay uu ballanku ahaa in lagu qabto Kulanka Garowe oo la iclaamiyay bilowgii Sanadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here