{DAAWO SAWIRADA} Wasaaradda Kalluumaysiga Jubbaland oo Doonyo ku wareejisay dad kalluumaysato ah.

0
107

Wasaaradda Kallumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Jubbaland ayaa Doonyo kalluumeysi ku wareejisay qaar kamid ah dadka dib u dejinta loo sameeyey ee kasoo laabtay Dhadhaab iyo qaar kamid ah dadka deggan deegaan xeebeedyada ka baxdan magaalada Kismaayo.

Doonyahan ay maanta wasaaradda kalluumeysiga ku wareejisay dhalinyarada kalluumaysato ah oo ku nool deegaanada deegaanka Ceel-saaxil oo u dhow Goobweyn iyo kuwa dib u dejinta loo sameeye ayaa waxay gaarayaan ilaa shan Doonyood oo nooca kalluumaysiga ah, sidoo kale waxaa lagu wareejiyey Shabaakta kalluunka lagu dabo, Matoorro iyo Qaboojiyeyaal loogu talagalay in lagu rido Kalluunka.

 

Wasaaradda Kalumeysiga ee Jubbaland ayaa sanad ka hor tuulada Ceel-saaxil oo u dhow Goobweyn waxay ku tagtay kormeer ay ugu kuurgashay xaaladda dadka deegaanka maantana waxay ka jawaabtay baahidii ka haysatay dhanka agabka kalluumaysiga.

 

Agaasimaha Wasaaradda Kallumeysiga Jubbaland Aadan Khaliif ayaa sheegay in wasaaraddu waddo qorshe lagu horumarinayo kalluumeysata Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here