Muslimiinta Australia oo loogu baaqay in aysan u codeyn xisbiyada caanka ku ah Islaam Nacey-ka

0
115

Muslimiinta ku nool dalka Australia ayaa walaac ka muujinaya fariimaha ku saleysan islaam naceybka iyadoo dalkaan maalinta barito oo sabta ah ay ka dhici doonto Doorasho.

Ku dhowaad 10 xisbi oo uu ka mid yahay hogaamiyaha xisbiga midig Pauline Hanson ayaa bulshada muslimiinta waxay codsadeen in aan loo Codeyn marka la furo maalinta bari ah xarumaha Codbixinta.

Gudiga ay ku mideysan yihiin muslimiinta Victoria ayaa codbixiye yaasha u sheegay in ay taxadar muujiyaan ka hor inta aysan codkooda siin 10 Xisbi ee ku caan baxay Naceyb-ka.

Xisbiyada sida goonida ah ay muslimiinta uu u carab dhabay ayaa waxaa ka mid ah xisbiga Conservative National Party iyo Australian Conservatives oo ku caan ah Naceybka soo galootiga iyo Muslimiinta.

Hogaamiye yaasha Muslimiinta ayaa wax laga naxo ku tilmaamay in muslimiinta codbixiye yaasha ah aysan ogeyn mustaqbalka siyaasadeed hadii ay guuleestaan Xisbiyada.

Labadan Xisbi ayaa warar laga soo xigtay muslimiinta ay sheegayaan in ay qorsheynayaan in Australia ay ka mamnuucaan masaajidada iyo dadka soo Galootiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here