Cristiano Ronaldo oo baraha bulshada ugu dabaal dagay saddexleyda koob uu fasalkaan ku guuleystay.

0
129

Cristiano Ronaldo ayaa muujinaya inuu xiddigaha marayo kadib ku guuleysigii tartankii UEFA Nations League, wuxuuna fasal ciyaareedka 2018/2019 ku dhameystay isagoo saddex koob oo heer kooxeed iyo heer qaran isugu jira ku guuleystay.

Xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay kooxda Bianconerri wuxuu kula guuleystay koobka horyaalka talyaaniga iyo sidoo kale Supercoppa Italiana, waxaana usii dheer inuu koobkiisii labaad ee heer qaran ku guuleystay isbuucaan kadib markii ay 1-0 ku dileen qaranka Netherlands.

“Kadib markii aan ku guuleystay Italian super cup iyo horyaalka talyaaniga, ma jirin hab ka wanaagsanaan oo uu ku dhamaan karay fasal ciyaareedka marka loo eego ku guuleysiga UEFA Nations League – 2+1 – saddexley” ayuu kusoo qoray Ronaldo barta twitter-ka.

Qoraalkaas wuxuu Ronaldo soo raaciyay sawirka isagoo heysta koobka UEFA Nations League iyo sidoo kale bilada xiddiga ugu goolasha badan tartanka maadaama uu saddexdii gool ee Switzerland ka saaciday inuu ka badbaado xiddig walba oo soo gaaray semi final-ka tartanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here