Dowlada Iiraan oo mar kale iska fogeysay ku lug lahaanshiyaha qalalaasaha ka taagan Bariga Dhexe

0
133

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa sheegay in Mareykanka uu halis dhab ah ku yahay xasiloonida gobolka iyo tan caalamka, xilli ay xiisad ka taagan tahay Khaliijka.

“Dowladda Mareykanka, waxay labadii sano ee tagtay ku xadgudbeysay nidaamyada iyo xeerarka caalamiga ah, waxayna ayadoo adeegsaneysa kheyraadkeeda dhaqaale, maaliyadeed iyo militari qaadatay waddo gardarro ah, waxyana halis ku tahay nabadda gobolka iyo tan caalamka” ayuu yiri Rouhani.

Rouhani ayaa ka hadlayey kulan ay magaalada Bishkek ee dalka Kyrgyzstan ku leeyiiin madaxda Ururka Iskaashiga Shanghai, oo ah isbahyasi amni oo ay ku mideysan yihiin dalalka Yurub iyo Asia qaarkood, sida Russia, China iyo India.

Rouhani ayaa Mareykanka ku dhaliilay ka bixitaanka heshiiskii Nukliyerka Iran ee la gaaray 2015, isaga oo sheegay in Washington ay dalalka kale ee caalamka ku cadaadineyso inay jebiyaan qaraarka Golaha Ammaanka QM ee soo celinta xiriirka ganacsi ee lala leeyahaya Tehran.

Madaxweyne Rouhani kama hadlin xalaadda Khaliijka, ayada oo Mareykanka uu Iran ku eedeeyey inay ka dmabeysay weerar lagu qaaday laba Markab oo saliidda qaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here