Madaxweynaha Hirshabelle Oo Cambaareeyay Falka Dad Rayid ah loogu Dilay Gaalkacyo.

0
119

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay falka Magaalada Gaalkacyo loogu laayay Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, islamarkaana ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, isagoo cambaareeyay falkaasi kuna tilmaamay mid argagax ah oo laga naxo.

“anigoo ku hadlaya afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle Waxaan cambaareynayaa falkani lagu laayay dadkaasi masaakiinta ah, DadkaSoomaaliyeed waa walaal, xidid, iyo ehel intuba meel kasta oo ay joogaan, waxaana uga tacsiyeynayaa ehelka ay ka geeriyoodeen dadkaasi, waxaana u rajeynayaa in eebe uu ka waraabiyo janatul Fardowsa” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay falkaasi lagu dilay 13 ruux oo dad shacab ah xoogsata ahaa, waxaana uu ugu baaqay Dowladda Galmudug in baaritaan dhab ah ay ku sameeyso Falkaasi islamarkaana dadkii ka dambeeyay, cadaaladda la marsiiyo.

Dilka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa aad looga xumaaday, waxaana dadka la dilay ka soo jeedaan Koonfurta Soomaaliya ayaa ah 13 ruux waxaana afar ka mid ah ay ka soo jeedaan Hirshabelle.

Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha Madaxtooyada Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here