Qaramada Midoobay oo ka digtay abaarta ka taagan Suudaanta Koonfureed

0
68

Dalka ugu yar caalamka ee Suudaanta koonfureed ayaa waxaa ka taagan gaajo iyo haraad baahsan oo saameeyay shacabka dalkan ku yaal bariga Afrika.
Arintaan ayaa lagu xaqiijiyay warbixin ay si wadajir ah u soo saareen dowlada koonfurta Suudaan iyo sadex hey,adood oo ka mid ah qaramada Midoobay.
Digniinta Jimcahaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo 9 bil laga joogo heshiiska nabadeed oo mucaaradka iyo dowlada ay Saxiixeen.

Ku dhowaad 60 boqolkiiba bulshada dalkaas ayaa la daala dhacaya cuno yari iyo biyo la,aan, waxaana tiradaan ay ka badan tahay kala bar dadka ku nool Suudaanta Koonfureed.
Balse saraakiisha dowlada ayaa diiday in ay iclaamiyaan in abaar ay Jirto.
Dagaalada sokeeye iyo abaarta ka jirta suudaanta Koonfureed 5 sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay 400,000 oo Ruux.

Hsiao-Wei Lee oo ka tirsan hey,ada cunada aduunka oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada Jubba ayaa sheegay in dhibaatada ay ka sii dari karto hadii aan la helin roob iyo Gargaar Deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here