Wararkii Ugu Dambeeyay Al-Shabaab oo sheegtay inay qabsadeen Ciidamo Kenyan ah

0
184

Al-Shabaab ayaa shaaciyay in howlgallo ay ka fuliyeen deegaano hoostaga Magalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ay kusoo qabteen Maleeshiyaad  u Shaqeyneysay Ciidamada Kenya.

Qoraal ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in howlgalka ay ka fuliyene deegaan lagu Magacaabo  50 (Konton) oo hoos tagta Wajeer,isla markaana howlgalka uu u dhacy sida ay doonayeen.

Sidoo kale Al-Shababa waxa ay sheegeen Mooto oo ay maleeshiyaadka lahaayeen,hayeeshee faah faahin dheeraad ah intaasi badan kama sii bixin Al-Shabaab howlgalkaas.

Todobaadkaan gudihiisa ayay aheyd markii Al-Shabaab ay meel u dhow deegaanka Amuuma oo hoos taga Gaarisa ay ku weerareen Kolonyo ay wateen ciidamada Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here